Kulan Ay Yeesheen Wasiir Koowaadka Soomaaliya Iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya

 

30-11-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa lagu soo waramayaa inuu Xalay shir-guddoomiyay Kulan u qabsoomay Habka Fogaan-aragga ah, kaasoo uu la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo isaga aananba Wax Coda ah habayaraatee ku laheyn Kulankii Xalay.

Kulankii Xalay ee Habka Fogaan-araga ku qabsoomay, ayaa lasoo warinayaa in Diiradda lagu saaray Daahfurnaanta Doorashooyinka iyo Dardargelintooda, waxaana uu Wasiir Koowaad Rooble uu ku boorriyay Madaxda Dowlad Goboleedyada marki laga saaro Gobolka Banaadir, sida ay lagama maarmaan u yihiin Doorashooyinka in ay noqdaan kuwa Daahfuran isla markaana lagu qanci karo.

Kulankii Xalay ee ku qabsoomay Habka Fogaan-aragga isla markaana uu shir-guddoomiyay Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble, ayaa wuxuu kusoo aaday, iyada oo Cabashooyin laga gudbiyay Qaababka ay Shanta Dowlad Goboleed u maamulayaan Doorashooyinka Dadban ee Kuraasta Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply