Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Ka Qayb Galay Kulan Lagaga Hadlayey Madax-bannaanida Somaliland

 

27/11/2021

 

LONDON (SOLNA) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa ka qayb galay Munaasibad lagaga hadlaayay Gooni Isu Taagga Somaliland, oo lagu qabtay Caasimadda Biritan ee London.

Munaasibaddan oo ay soo abaabushay Safaaradda Somaliland ee Dalka Biritan ayaa waxa ka qayb galay Wufuud ka socota Dalka Biritan, Xildhibaanno iyo Xubno Gole Deegaan oo katirsan Goleyaasha Boqortooyada Biritan.

Danjiraha Somaliland ee Biritan Cabdi Cabdillaahi ayaa sheegay in Safaarad ahaan ay ku faraxsan yihiiin inay soo abaabulaan Kulankan oo kale, waxaana uu tilmaamay in Somaliland ay Maalin Uun heli doonto Tixgelin Caalami ah, isagoo uga mahadceliyay Madaxda Biritan ee kasoo qayb gashay Kulankani.

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Boqortooyada Biritan oo isna Goobta joogay ayaa sheegay in wax keliya ee ay u qalanto Somaliland ay tahay in Dunidoo Dhami ay siiso Ictiraaf Buuxa, maadaamo ay buuxisay dhammaan Waxybaahihii Qaran looga baahnaa oo dhan.

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland ee Wada -hadallada Soomaaliya Drs, Adna Aadan oo iyaduna Goobta ka hadashay ayaa ugu baaqaday Bulshada Somaliland ee Dibadda iyo Gudaha inay u midoobaan Danta Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa ku booriyay Bulshada Dibadda ee Somaliland, inay ka shaqeeyaan sidii ay u hirgeli lahayd Himillada Umadda Somaliland, isla markaana ay tixgelin uga heli lahaayeen Beesha Caalamka.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray in Guul Weyn lagaga keenayo Qaddiyadda Somaliland, haddii ay iskaashadaan Bulshada Dibadda iyo ta Gudaha ee Dalku, isagoo xusay in Maalin Uun la qadarin doono Madax-bannaanida Somaliland.

Warkan waxaa markii ugu horeysay uu SOLNA daabacay Taariikhda markey aheyd 26/11/2021.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply