Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday Ee Soomaaliya Ayaa Agaasime Cusub U Magacaabay Madaxtooyada Qaranka

 

27-11-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Maanta magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka.

Warka wuxuu ku darayaa in Farmaajo uu Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka uu u magacaabay Maxamed Cabdullaahi Ciise oo kasoo jeedo Dalka Somaliland oo 18dii Maajo, 1991dii ka baxay Midowgii 1960kii.

“Waxaan Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada. Waxaan ku kalsoonahay inuu howshan uga soo dhalaali doono si hufan. Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dowladda inay si dhaw ugu gacan siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee horyaalla,” ayuu yiri Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ugu daambeystii, Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa wuxuu hada bedelayaa Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Qaranka, Cabdisaciid Muuse Cali oo Todobaad kahor isna loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply