Wasiir Koowaadda Iswiden (Sweden) Ayaa Xilka Iska Dhigtay, Todobo Saac Uun Kadib Markii Xilka Loo Doortay

 

25/11/2021

 

Marwo Magdaleena Anderison (Magdalena Andersson), Xisbiga S | Sawirre: Pontus Lundahl/TT

 

ISTOOKOLOM – Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Dalka Iswiden ayaa lagu soo waramay in Shalay ay Xilka Wasiir Koowaad ay u doorteen Magdaleena Anderison (Magdalena Andersson), kadibna ay Xilka iska dhigtay Todobo Saacadood kadib.

Marwo Magdaleena Anderison oo ku sugneed Gudaha Baarlamaanka Iswiden, ayaa waxey Shir u qabatay Warfidiyeenada, waxeyna tiri:

“Maanta wuxuu Golaha Baarlamanka ii doortay in aan dhiso Dowlad Wadaag ah, balse aniga ahaan waxaa muhim ii ah Xurmada, waayo ma doonayo in aan hoggaamiyo Dowlad ay doodi ka joogto Sharciyaddeeda.”

Waxaa kale ay tiri “Weli lama wareegin Xafiiska. marka waxaa weli Wasiir Koowaad ah Isteefan Lofeen (Stefan Lvfven) oo hoggaamin doona Dowlad Kumeel Gaar ah KGM ah”.

Xigasho: Radio Sweden, Somali Section

Leave a Reply