Qasaaraha Uu Geystay Qaraxa Ka Dhacay Muqdisho

 

25-11-2021

 

MUQDISHO – Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in faah-faahin uu ka bixiyey Qarax Ismiidaamin ahaa oo Saakay ka dhacay Irida hore ee Dugsiga Mucaasir oo ku yaalla Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ee Gobolka Banaadir.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Qoraal soo saaray, ayaa waxuu ku sheegay in Qaraxa dhacay loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyey Waxyaabaha Qarxa, isla markaana lala damacsanaa in lala beegsado Kolonyo ay la socdeen Ilaalada Howlwadeenada Qaramida Midoobay oo Wadada maraayay.

Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in Qaraxa uu geystay Qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac, waxaana uu xaqiijiyay inay Qaraxaas Is-miidaaminta ahaa ay ku geeriyoodeen 8 Qofood, halka 17 Qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ay ku jiraan Arday.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalo ku yaalla Magaalada Muqdisho, si loogu daweeyo, waxaana Dadka waxyeelada soo gaartay isugu jiraan Arday, Bareyaal (Macalimiin) iyo Dad marayay Goobta Xilligii uu Qaraxa dhacayay.

“Gaariga Qarxay Noociisu waa Surf kana yimid dhanka Tarbuunka, Taarget.ka wuxuu ahaa Baabuurta waardiyeysa UN.ka ee Looyaqaano Duguf Security, Qasaaruhuna ay Turakoobeen Boliisku waa 8 Dhimasho ah iyo 17 Dhaawac ah,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sawirro laga soo qaaday Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa muujiyay Burbur xoog leh oo gaaray Dugsiga Mucaasir oo kasoo horjeeda Dugsiga Sare ee Banaadir, waxaana dumay Derbiyada Dugsiga, iyadoona ay burbureen Gaadiidka uu lahaa Dugsiga Mucaasir.

20kii Bishaan Nofeember, 2021da ayey aheyd markii Qarax Is-miidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Agaasimeyaasha Radio Muqdisho iyo kan Telefishinka Qaranka, waxaana Qaraxaas ku naf-waayay Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicaiis Afrika, halka uu ku dhaawacmay Sharma’arke Warsame Maxamed.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply