Agaasimahii Kumeel Gaarka Ahaa Ee Hay’ada NISA Oo Loo Doortay Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

25-11-2021

 

DHUUSAMAREEB  – Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaa in Maanta, Xarunteeda Dhuusamareeb loogu tartamay Kursiga HOPO67, waxaana ku tartamay Labo Murashax, kadib markii Tartanka ay isaga hareen Seddex Murashax oo Tartanka ka qeyb geli lahaa.

Warka wuxuu darayaa in Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay shaaciyeen in Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Yaasin Fareey) uu helay 68 Cod halka Maxamed Cali Culusoow uu isna helay 20 Cod, iyadoo ay 3 Cod halaabeen.

Kursiga HOPO67 ee uu Maanta ku guuleystay Agaasimahii Kumeel Gaarka Ahaa ee Hay’ada NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud ( Yaasin Fareey), ayaa waxaa ka taagneyd Dood Adag Maalmihii la soo dhaafay.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply