Waxaa Maanta Laga Shiray Amaanka Magaalada Beled Weyne

 

24-11-2021

 

BELED WEYNE (WBW: The GBM) – Magaalada Beled Weyne oo hada ah Xarunta Gobolka Hiiraan, isla markaana kamid aheyd 8dii Xarumo Goboleed ee rasmiga ahaa intii uusan Kelitaliyehii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uusan Dalka ka dhigin 18 Gobol oo uu kusii saleeyay Sedbuursi Qabiil, ayaa waxaa laga soo warinayaa in Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu Maanta Magaalada Beled Weyne uu kula kulmay Saaraakiisha Ciidamada AMISOM.

Arrimaha uu Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan uu kala hadlay Saaraakiisha Ciidamada AMISOM, ayaa waxaa lagu soo sheegay iney ku-saabsanaayeen sidii loo sugi lahaay Amniga Guud, gaar ahaan Amniga Goobaha Doorashooyinka ee Magaalada Beled Weyne.

Magaalada Beled Weyne ayaa waxaa lasoo gaarsiiyay Agab kala duwanaa oo loogu talo galay Qabsoomida Doorashada 25 Kursi oo kamid noqon dooono Kuraasta Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Gobolka Hiiraan ayaa waxaa aad loogu xasuustaa in uu yahay Gobolkii ay kasoo baxeen Madaxweynehii ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan iyo Murashaxii kula tartamay Jagada Madaxweynenimada ee ahaay Shiikh Cali Jimcaale Baraaye Sanadka markuu ahaay1961dii. Waxaa kaloo Gobolka lagu xasuustaa Xildhibaan Cabdullaahi Majoor oo isna kusoo baxay Doorashadii Demoqaraadiga aheyd ee ugu dambeysay Jamhuuriyadda Soomaaliya Taariikhda marki ay aheyd 26dii Maarso 1969kii.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply