Shir Ay Yeesheen WK Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Iyo Guddoomiyaha La Sheego Ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal

 

24-11-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa lagu soo waramayaa inuu la shiray Guddoomiyaha la sheego ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Arrimaha ay ka shireen ayaa lasoo sheegay iney ku-saabsanaayeen Toosinta iyo Hufnaanta Doorashada ee Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo in la hubiyo inaan Cidna lagu xadgudbi karin.

Shirkan ee yeesheen Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble iyo Guddoomiyaha la sheego ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa kusoo aadayo, iyada oo Qeylo-dhaan badan uu kasoo yeeray Murashixiin laga boobay Kuraastii Golaha Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha la sheego ee Iminka ee Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), ayaa wuxuu kasoo jeedaa Jamhuuriyadda Somaliland oo dib ula noqotay Madaxbanaanideedii Taariikhda marki ay aheyd 18dii Maajo, Sanadkii 1991dii. Iyada oo sidaas ah, ayaa hadane laga dhigay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya maadaama uu diidan yahay inuu u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Weydiinta waxey tahay: Maxaa looga dhawaajin la’yahay in Dalkiisa yahay Jamhuuriyadda Somaliland, Dalkane uu yahay Jamhuuriyadda Soomaaliya?

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply