Waxaa Muqdisho Lagu Doortay Xildhibaano Lagu Sheegayo In Ay Metalayaan Jamhuuriyadda Somaliland

 

23-11-2021

 

MUQDISHO – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Mudisho ayaa laga soo sheegayaa in Maanta lagu doortay 5 Xildhibaan oo kasoo jeedo Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana Bilow u ah Xildhibaano kale ee Muqdisho lagu dooran doono.

Warka wuxuu ku darayaa in Doorashadii Maanta ee lagu doortay 5-taasi Xildhibaan in ay ka dhacday Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada la sheegayo in Maanta la doortay isla markaana la sheegayo iney kamid noqon doonaan kuwa metelayo Jamhuuriyadda Somalilland, ayaa waxey yihiin kuwa soo socdo:

1) Maxamed Cabdi Maareeye, 2) Aamino Cumar Jaamac, 3) Faadumo Xasan Cali, 4) Maxamed Haaruun Cabdullaahi, iyo 5) Axmed Cismaan Diiriye.

Tirada Xildhibaannada ee tan iyo hadaan lagu doortay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Mudisho isla markaana lagu sheegayo iney qeyb ka yihiin kuwa meteli doono Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Maanta waxey gaareen 7 Xildhibaan.

Dhinaca kale, Dad ugu badan ee dego Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa laga hor-istaagay in Muqdisho lagu dhex doorto; waxaana loo kala diray Magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar. Iyada oo sidaas iyo sidan, ay wax kala yihiin, ayey hadaneba Dad ugu badan ee dego Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho aysan dareensaneyn.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply