Kulan Ay Maanta Yeesheen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Iyo Taliyaha Guud Ee Ciidamadda Turkiya

 

23-11-2021

 

ANKARA – Wararka ka imanaya Magaalo Madaxda Turkiya ee Ankara waxey sheegayaan in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage in Maanta oo Talaada ah uu Magaalada Ankara uu kula kulmay Taliyaha Guud ee Ciidamadda Turkiya, Yasar Guler

“Waxaa la igu soo dhaweeyay Hab Maamuus Ciidan oo ka dhacay Xarunta Taliska Guud ee Caasimada Dalka Turkiya ee Ankara, iyadoo intaas kadib aan wada qaadanay Shir Labo Geesood ah,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya, Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Xigasho: Wakaalada Wararka Soomaaliya ee SONNA

Leave a Reply