Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa Soo Gaaray Xarunta Gobolkii Jubada Sare

 

23-11-2021

 

BAYDHABO (WBW: The GBM) – Xarunta Gobolkii Jubada Sare (Alto Giuba) ee Baydhabo ayaa laga soo warinayaa in Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan uu Maanta soo gaaray.

Warka wuxuu ku darayaa in Guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Baydhabo, waxaana kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cali Saciid Fiqi.

Ujeedada uu Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, uu Maanta u tagyay Magaalada Baydhabo, ayaa ah sidii uu ugu tartami lahaay Kursiga Tirsigiisa uu yahay #HOP182.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxey dhisantay 1dii Luuliyo, Sanadkii 1960kii, kadib marki ay midoobeen 2dii Gobol (Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed) ee Waqooyigii Soomaaliya oo hada ah Jamhuuriyadda Somaliland, iyo 6dii Gobol (Bari, Mudug, Hiiraan, Banaadir, Jubada Sare, iyo Jubada Hoose) ee Koofurtii Soomaaliya oo hada ah Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sideedaba, Magaalada Baydhabo ee uu Maanta booqday Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, waxaa ay aheyd Xarunta Gobolkii Jubada Sare inkastoo hada la sheegayo iney tahay Xurunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.

Dhinaca kale, Magaalada Baraawe oo iyadane la sheegayo iney Xarun u noqon doonto Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, waxaa ay kamid tahay Gobolkii Banaadir oo ka koobmo Shabeellaha Hoose, Muqdisho, iyo Shabeellaha Dhexe.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply