Xubno Katirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab Oo Lagu Soo Qabtay Howlgal Ay Sameeyeen Ciidanka Dowladda Soomaaliya

 

22-11-2021

 

AFGOOYE – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Duufaan ayaa waxey Howlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Afgooye oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyada oo Howlgalka lagu soo qabtay Seddex Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sida ay sheegeen Saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka.

Saraakiisha waxey sheegeen in Xubnahaan Gacanta lagu soo dhigay, in Ha’yadda NISA ay ku haysay dabagal, waxaana ay Al-Shabaab u qaabilsanaayeen Qaraxyada iyo Miinooyinka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa bilaabay Howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay ka sameenayaan Deegaano iyo Degmooyin katirsan Gobolada Dalka iyo Magaalada Muqdisho.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply