Macalimuu “Weerarka Lagu Dilay Cabdicasiis Afrika, Mid La Qorsheeyay Ayuu Ahaa”

 

22-11-2021

 

MUQDISHO – Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa Faah-faahin ka bixiyay Weerarka Ismiidaaminta ee Habeenkii Sabtida lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho, Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Cabdicasiis Afrika), laguna dhaawacay Agaasimihii Telefishinka Qaranka, Sharmaarke Maxamed Warsame.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ninka isku qarxiyay Gaariga ay la socdeen Labada Agaasime uu ka warqabay Dhaq-dhaqaaqooda, sida ku cadba Muuqaalada ay duubeen Kaamirooyinka Amniga.

Afhayeenka oo VOA-da la hadlay ayaa marka hore yiri “Runtii aad iyo aad ayaa uga xunahay, una cambaareynaynaa Dilka loo gaystay ama Weerarka Argagixisada ee lagu qaaday Allaha u naxariistee Cabdicasiis Maxamuud Guuleed, Agaasimihii Radio Muqdisho iyo sidoo kale Agaasimihii Telefishinka Qaranka, Sharmaarke oo isna dhaawac ah, waxaan Ilaahay uga rajeynaynaa inuu dhaawaciisa bogsiiyo.”

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo sharaxayay sida uu Weerarka u dhacay ayaa yiri “Iyagoo ka soo baxay meel Maqaayad ah oo ay ka soo casheeyeen ayaa waxaa isku qarxiyay Nin Naftii Hallige ah, oo markaas ka soo degay Bajaaj oo Waddada Laamigeeda taagnaa oo sugayay.”

Waxa kaloo uu yiri “Sida muuqatana Akhbaarta waa la hayay oo Cid hageysaa jirtay, Sababtoo ah marka uu gaariga soo baxayo iyo marka ay Bajaajta soo dhaqaaqeyso waxaad mooddaa inay isku beegan yihiin oo Macluumaad badan ay hayeen. Ninkii Bajaajtuu ka soo degay, Bajaajtiina way carartay, Ninkiina wuxuu u cararay Dhinacii Gaariga, wuxuuna isku qarxiyay Wariye-yaashaas.”

Macalimuu ayaa yiri “Waxaan daawaday Muuqaalkii CCTV-ga ama Kaamirada Qarsoon ee halkaa ku xirneyd, marka siday wax u dhaceen Weerar la qorsheeyay ayuu ahaa.”

Isaga oo Hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Cabdicasiis waxaa uu kamid yahay uun Dadkaas Soomaaliyeed ee Maalin kasta Dhibaatada loo gaysanayo, Runtiina waxa uu ahaa Nin Saxafi ah oo aad u dhiiran.”

Macalimuu ayaa sheegay in Cabdicasiis Afrika uu ahaa Nin ay Afkaartiisu Cadahay, kana soo horjeeda Fekerka Khalafsan ee Ururka Al Shabaab, Dalkana uu ka soo shaqeeyay Xilli aad u adag.

“Cabdicasiis Afrika waxa uu ahaa Nin dhiiran, wuxuu ahaa nin Afkaartiisa ay Cad-cadahay, ka soo horjeeda Afkaaraha Xagjirka ah ee Shabaab. Waxa uu kamid ahaa Wariye-yaal Dalka aad uga soo shaqeeyay Xilliyo aad u adag.” Ayuu yiri Macalimuu.

Shabaabka ayaa sheegtay Masuuliyadda Qaraxaasi, Sababta ay u beegsadeen Ninka Wariyaha ah ayayna ku sheegeen, iyagoo u haysta Dilal loo gaystay Xubno iyaga katirsanaa.

Cabdicasiis Afrika ayaa wareysan jiray Xubnaha laga soo qabto Al-Shabaab, isagoona ku soo qaadan jiray Barnaamijkiisa sida weyn loo daalacdo ee Gungaar.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply