Weerar Ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab Ay Xalay Ku Qaadeen Saldhig Ay Ku Sugnaayeen Ciidamo

 

21-11-2021

 

DHOOBLEY – Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Nabadsugida Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Xalay Saqdii Dhexe uu ka dhacay Gudaha Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Dagalkaa ayaa yimid ka gadaal markii Al-Shabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhigga ay Ciidanka Nabadsugida ee Dowlad Goboleedka Jubaland ay ku leeyihiin Degmada Dhoobleey, waxaana halkaas ka dhacay Dagaal socday Daqiiqado.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa waxaa ay kusoo warrameen in Rasaas Xoog leh laga maqlayay Aaga Saldhiga Ciidanka Nabadsugida, inkastoo markii dambe uu Dagaalkaa istaagay, Xaaladda Degmadane ay si caadi ah kusoo laabatay.
Wararka waxaa ay kusii darayaan in Dagaalkii dhacay uu ka dhashay Qasaaro, in kastoo aan la ogeyn Qasaaraha rasmiga ee jira, mana jiro wax Hadal oo kasoo yeeray Saraakiisha Ciidanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Warar ay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku qoreen Barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen in Weerarkii Xalay dhacay ay ku dileen Askar katirsan Ciidanka Nabadsugida ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Jubaland, isla markaana ay Dagaalka ku qabsadeen Saanado Hub ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa marar kala duwan oo sidan oo kale ah, ayaa waxey Weeraro ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Saldhiga Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leeyihiin Gobolka Jubada Hoose, waxaana Weerarradaasi ka dhashay Qasaaro isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac.

Isha Warkan: Borama News

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply