Natiijo Hor-Dhac Ah Ay Soo Saareen Guddigii Baaritaanka Ku Waday Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax

 

21-11-2021

 

MUQDISHO – Guddigii dhawaan uu magacaabay Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ee Baaritaanka ku hayay Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax, ayaa waxey soo saareen Natiijo Horu-dhac u ah Baaritaankii ay ku sameeyeen Kiiskii loo xilsaaray.

Jeneraal Cabdullahi Buulle Kameey oo ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxakamadda Ciidamada, ayaa akhriyay Natiijada Horudhaca ah, wuxuuna sheegay in Kiiska Ikraan ay Baaritaan ku sameeyeen, isagoo sheegay in si gaar ah ay Baaritaanno kaga sameeyeen Dhinacyadii lagu tabayay in Kiiska ay ku lugleeyihiin.

Waxaa uu sheegay in Baritaan ay ku sameeyeen Saraakiil katirsan NISA (National Intelligence and Security Agency) oo uu qayb ka yahay Taliyihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir iyo sidoo kale Mas’uuliyiin kale oo horay loogu eedeeyay in ay ku lugleeyihiin Kiiska Marxuumad Ikraan tahliil Faarax oo ahayd Sarkaalad katirsanayd Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

Jeneraal Cabdullahi Buulle Kameey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxakamadda Ciidamada wuxuu intaa ku daray in Wax Caddeyn ah ay ku waayeen Hoggaanka NISA oo lagu tuhunsanaa in ay ka dambeeyeen Dilka Ikraan, balse waxaa uu sheegay Jeneraal Cabdullahi Buulle Kameey in Mas’uuliyiinta iyo Shaqsiyaadka lagu ‘tabayay’ Kiiska aysan helin Caddeymo ama Ifi-faalo muujinaya in ay qayb ka ahaayeen Dilkii Marxuumadda.

 

Isha Warkan: Hiiraan Weyn News

 

 

Leave a Reply