Murashixiin La Siiyay Shahaadada Diiwaangelinta Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

21-11/2021

 

DHUUSAMAREEB (WBW: The GBM) – Qaar ka mid ah Murashixiinta Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa iney qaateen Shahaadada Murashaxnimo.

Warka wuxuu ku daarayaa in Labo kamid ah Shanta Kursi ee uu shaaciyay Guddiga Doorashada ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, in ay qaateen Shahaadada diiwaan-gelinta, kuwaasoo kala ah Yusuf Geelle Ugaas Dhagey iyo Mahad Cabdalla Cawad.

Yusuf Geelle Ugaas Dhagey ayaa dhowaantan iska casilay Xilkii Senatarnimo ee Aqalka Sare, waxaana hada loo diiwaan geliyay Murashax Xildhibaan Kursiga #HOP026, oo ay horay ugu fadhiday Haweeni lagu magacaabo Ikraan Absuge. Sidoo kale waxaa Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad isna loo diiwaan geliyay Murashax Xildhibaan Kursiga #HOP104 oo uu mar kale usii tartamayo.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

 

Leave a Reply