Waxaa La Shaaciyay Goorta Lasoo Gabagabeyn Doono Doorashada Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

20-11-2021

 

MUQDISHO – Waxaa Muqdisho laga soo sheegayaa in Afhayeenka Guddiga Doorashada Heer Fedaraal Axmed Safiina uu la hadlay Warbaahinta isla markaana uu shaaciyay Goorta lasoo gabagabeyn doono Doorashada Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan halkan fariin uga direynaa, saddexda maamul goboleed ee haray Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle, inay ku soo dhaqsadaan liisaska kuraasta ugu horeeya ee doorashada, waxa kale oo aan cadeynaya in doorashada dhamaanteed ay inoo soo dhamaan doonto 24-ka December, ” ayuu yiri Afhayeen Axmed Safiina.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Guddiga Doorashada Heer Fedaraal Axmed Safiina ayaa imaanaya Xilli dhowr jeer oo hore, Waqtiyadii ay ugu talo galeen Howlaha Doorashooyinka ay dib u dhaceen, waxaasa markaan muuqaneysa in wax uun Rajo ah ay ka muuqato iney Doorashada ku qabsoonto Waqtiga loo balamay maadama Maamulada Goboleedyada qaar durbaba ay bilaabeen gudagalista Howlaha Doorashada Golaha Baarlamaanka.

Xigasho: Hiiraan Online

Leave a Reply