Maamulka Gobolka Hiiraan Ayaa Baaq U Diray Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Iyo Dowladda Federaalka Ee Jamhuuriyadda Somaaliya

 

18-11-2021

 

BELED WEYNE – Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Guddoomiye Kuxigeenka Gobalka ayaa Maanta kulan la qaatay Hay’addaha Samafalka ee ka Howlgala Gobalka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beled Weyne oo ah Xarunta Gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa inta badan waxaa lagu gorfeeyay sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha Xoogan ee ka jiro Gobalka Hiiraan, loona sameyn lahaa Gargaar Bani’ Aadanimo oo la taaban karo.

Guddomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyste ayaa Carabka ku adkeeyey in Hay’adaha ay si Dhab ah gargaar ugu fidiyaan Dadka ay sameeyen Abaaraha ee kusoo barakacay Gudaha Magaalada Beled Weyne iyo Deeganada ku teedsan .

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay in haddii Hay’adaha ay gargaar sameeynayaan, in Shacabka ay u fidiyaan wax la taaban karo oo aas-aas u ah Nolasha.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa Baaq u diray Madaxda Sare ee Dowlad Gobaleedka Hir-Shabeelle iyo Madaxda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, si gargaar loogu fidiyo Dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply