Howlgallo Ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Ay Kula Wareegeen Degaano Dhowr Ah 

 

17-11-2021

 

XUDUR – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad ayaa lasoo sheegayaa in Maanta ay Howlgallo Qorsheysan ay ka sameeyeen Deegaano hoostaga Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Ciidamada oo wata Gaadiidka Dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa Howlgallada waxaa ay ka sameeyeen Degaannada Gomori, Aboore, Banjinaay iyo Doonfuul, kuwaas oo dhamaantood hoostaga Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Howlgallada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur, waxaana Ciidamada ay la wareegeen Degaannada ay Howlgalka ka sameeyeen oo ay horay ugu sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Bakool ayaa waxaa ay la hadleen Qeybaha kala duwan ee Bulshada kunool Degaannada Howlgallada laga fuliyay, iyaga oo ka codsaday inay Ciidamada Amniga kala shaqeeyaan.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply