Wasiir Koowaadka DX Jamhuuriyadda Soomaaliya Ee Rooble, Ayaa Kusii Jeedo Magaalada Dhuusamareeb

 

15-11-2021

 

MUQDISHO – Ergo uu hogaaminayo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya, Maxamed Xuseyn Rooble ayaa lasoo warinayaa in Maanta ay u socdaalayaan Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Booqashada Ergada uu hoggaaminaayo Wasiir Koowaad Rooble ayaa la sheegay in ay la xiriirto Dardargelinta iyo Hubinta Doorashada Golaha Baarlamaanka 11-aad.

Wasiir Koowaad Maxamed Xuseyn Rooble, ayaa Mudada uu jooga Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, uu Kulamo la qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Xubnaha Guddiyadda Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee ku sugan Goboleedka Gal-Mudug.

Maxamed Xuseyn Rooble ayaa horay u ballanqaaday inuu socdaalo ku tago Xarumaha Dowlad Goboleedyada, si uu u dardargeliyo Qabsoomidda Doorashada Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply