Wasiir Koowaadka DX Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa Si Weyn Loogu Soo Magaalada Dhuusamareeb

 

15-11-2021

 

DHUUSAMAREEB – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa lagu soo waramayaa inuu Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Koowaadka iyo Ergada uu hogaaminayay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Guddoonka Barlamaanka Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, Mas’uuliyiin iyo Dadweyne badan.

Wasiir Koowaad Rooble inta uu joogo Magaalada Dhuusamareeb waxa uu Kulammo la yeelan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Gal-Mudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada oo uu kala hadli doono Arrimaha Doorashooyinka, Nabadeynta iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada.

Isha Warkan: Radio Shabelle

Leave a Reply