Wada-hadalo Ay Yeesheen Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Jamhuuriyadda Soomaaliya Iyo Madaxweynehii Hore Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya

 

12-11-2021

 

MUQDISHO – Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa wuxuu Hoygiisa ku booqday Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxeyna ka wada-hadleen Dardargelinta Howlaha Doorashooyinka Dalka.

Rooble ayaa Madaxweynihii hore uga warbixiyay halka ay marayaan Howlaha Doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

Sidoo kale, Wasiir Koowaad Maxamed Xuseyn Rooble iyo Madaxweynihii Hore Shariif Sheekh Axmed, ayaa isla gartay sida ay lagama maarmaan u tahay in deg-deg loo bilaabo Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, lana soo gebagebeeyo kahor Dhammaadka Sanadkan.

Isagoo ka duulaya Mudnaanta ay leedahay Dedejinta Howlaha Doorashooyinka, ayuu wuxuu Wasiir Koowaad Rooble uu Xalay Habka Fogaan Aragga Kulan kula yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, oo uu ku boorriyay in ay Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ku soo gebagebeeyaan inta aysan dhammaan Bishan Disheember ee 2021-da.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply