Dil Toogasho Ah Iyo Xarig Oo Lagu Kala Xukumay Askar Katirsaneed Ciidanka AMISOM

 

12-11-2021

 

Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay maxkamadeynta 5 Askari oo kamid ahaa Askarta Ciidanka AMISOM oo Dad Shacab ah ku dilay Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maxkamadeynta Askartaan ayaa bilaabatay 5tii Bishii Oktobar, taasoo ka socotay Gudaha Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaadeysay Maxkamadda AMISOM oo Maanta ku xukuntay Laba kamid ahaa 5ta Askari ee u dhalatay Dalka Uganda dil toogasho, iyadoo Seddaxda kalane lagu xukumay min 39 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xuseen Cismaan Waasuge oo ahaa Afhayeenka Beeraleyda Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga ayaa wuxuu sheegay in Todobo Qofood ay ku marqaati fureen Eedeysanayaasha oo Lix kamid ah ahaayeen Ciidanka Uganda ee Meesha joogay.

“Laba Maalmood waxaa hadlaayay Dadkii cadeynaayay Dambiga Askartan, annagana waa nalagu casuumay waana dhageysaneynay, Xerada Xalane ayay maxkamadeynta ka dhaceysay, laakiin anaga Soomaali ahaan wax Qareeno ah oo noo doodayay majirin, Marqaatiga nagala dalbadayna waa Hal Wiil oo Ninka Berta iskalahaa uu dhalay,” ayuu yiri Xuseyn Cismaan Waasuge.

Qaar kamid ah Ehelada Dadkii ay dileen Askartaan Maanta la xukumay, ayaa waxey sheegeen iney si weyn ugu faraxsan yihiin in loo xukumo Askartii Gardarada ku laaysay Dadkooda.

Askarta Maanta la xukumay ayaa Bishii Agoosto ee Sanadkan waxaa ay si Fool Xumo Badan ay Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ay ugu dileen 7 Qofood oo Shacab Beeraley ahaay, kuwaas oo inta Hal leyisugu geeyay, ay Miino ku qarxiyeen.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply