Ciidamada Gobolka Hiiraan Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Howlgallo Ka Fuliyay Deegaanno Dhowr Ah

 

12-11-2021

 

BELAD WEYNE (SONNA) – Ciidamo ku midoobay la dagaalanka Al-Shabaab oo ka socda Gobolka Hiiraan ayaa Howlgal ka dhan ah Kooxdaasi ka fuliyay Deegaanno dhowr ah oo hoostaga Gobolka Hiiraan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Howlgalka oo ay iska kaashadeen Maamulka Gobolka Hiiraan, kan Degmada Belad Weyne, iyo Ciidamo wadajir ah oo ka howlgala Galbeedka iyo Koofurta, ayaa waxaa intii uu socday ay Ciidamada isku ballaariyeen Deegano dhowr ah oo ay kamid yihiin Deeganka Ceelka Baar, Biitale Jaaburow iyo Degano kale.

Gudomiyaha Magaalada Belad Weyne Mudane Cusmaan Dhicisow Dhuubow ayaa Ciidamadaasi ku ammaanay Dadaalka ay ugu jiraan soo celinta Nabadgelyada iyo la dagaalanka Kooxaha Nabad-diidka ah ee weli ku harsan Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Deegaanadaasi ay gaareen Ciidamada in ay yihiin kuwo ay ku nool yihiin Dad Barakacayaal ah, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in Hey’adaha Sama Falka iyo Shirkadaha Hormuud iyo Dahabshiil ay Gurmad u sameeyaan Dadkaasi la ildaran Abaarro.

Leave a Reply