Waxaa La Doortay Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ee Degmada Baraawe

 

10-11-2021

 

BARAAWE – Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baraawe ayaa waxey Galabta u doorteen Dr. Liibaan Abuukar Cismaan inuu noqdo Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baraawe.

Dr. Liibaan Abuukar ayaa Doorashada kaga guuleystay Gudoomiyihii Hore ee Degmada Baraawe, Cumar Shiikh Cabdi.

Doorashada oo Qarsoodi ahayd ayaa waxa uu Liibaan Abuukar helay 18 Cod, halka Cumar Shiikh Cabdi uu helay 7 Cod, iyada oo 2 Cod ay xumadeen.

Sidoo kale Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ayaa waxaa loo doortay Ismaaciil Cabdullaahi, halka Sahra Abuukar Cali loo doortay inay noqoto Gudoomiye Kuxigeenka 2aad.

Doorashada Maanta ka dhacday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa imaaneysa, kadib markii la xaliyay Xiisadda Toddobaadkii Hore ka dhalatay Qaabka Saami Qaybsiga ee Xubnaha Golaha Deegaanka oo Beelaha qaarkood ay Saluug ka muujiyeen.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply