Qarax Dhaliyay Qasaaro Badan Ayaa Wuxuu Ka Dhacay Degmada Baardheere

 

08-11-2021

 

BAARDHEERE – Qarax Xooggan ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana kasoo baxaya Warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxaasi.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Qarax Xooggan uu Qasaaro badan dhaliyay, gaar ahaana uu ka dhaliyay Gudaha Xeradda Ciidamadda Dhibowga ah.

Wararka waxey kusii darayaan in Qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan Labo Qofood, halka uu Qaraxaasina ay ku dhaawacmeen Dad intaaasi ka badan oo ay ku jiraan 4 Askari oo katirsan Ciidamadda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Ugu dambeynti, waxaa la sheegayaa in uu socdo Dadaalo lagu badbaadinayo Dadka ku dhaawacmay Qaraxa, inkastoo ay jiraan Dad u dhintay Dhaawacyadii soo gaaray.

Xigasho: Radio Dalsan

Leave a Reply