Kulan Ay Yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Iyo Ergeyga Midowga Afrika Ee Soomaaliya

 

07-11-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa laga soo warinayaa in Maanta ay Kulan yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Faranjeesko Madeira.

Warka wuxuu ku daarayaa in Arrimaha ay ka wada-haldeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya iyo Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ahaayeen Dhinacyada Nabadgelyada, Doorashooyinka Dalka Soomaaliya, Waajibaadka Shaqo ee AMISOM, iyo Qorshaha Kalaguurka ee Soomaaliya (STP: Somalia Transition Plan) oo ah Dhabbaha qura ee lagu gaari karo Xasillooni, Amni iyo Dowlad Dhisidda.

Kulankan ayaa kusso aadayo 3 Maalmood uun kadib, markii Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ay amartay in Kuxigeenkii Ergeygii Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo uu Soomaaliya iskaga baxo 7 Maalmood gudahood.

Ugu dambeystii, Kuxigeenkii Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo oo u dhashay Dalka Ugaanda (Uganda), ayaa wuxuu iska fogeeyay Eedaha ay u jeedisay Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Xilli uu Khadka Telefoonka uu ugu waramayay Wargeyska Daily Monitor, isaga oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Banaadir Weyne(WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Aduunka, kuwooda ugu Xiisaha Badan.

Leave a Reply