Waxaa Lasoo Qabtay Burcadii Dhibaateyneysay Dadka

 

06-11-2021

 

BOOSAASO – Ciidamada Amaanka ee ka howlgala Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah oo Dhac iyo Dhibaatooyin kalaba ku hayay Dadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso.

Kooxdan Burcada ah ayaa wxey Dadka ka qaadan jireen Moobeelada iyo Agabyada kale ay wataan, waxa ayna Burcadan inta badan Dadka ku dhici jireen, Bistoolado iyo Mindiyo ay mararka qaar Dadka ku dhibaateynayeen.

Dadka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa waxey Cabasho ka dhan ah Burcadan ay u gudbiyeen Ciidamada Amaanka, waxayna Ciidamada ku guuleesteen in ay soo qabtaan Burcadan, Xilli Dhac ay ku guda jireen.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseyn Cali Maxamuud ayaa sheegay in Ragan ay Qabashadooda iska kaashadeen Dadka Magaalada iyo Ciidamada Booliska. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Howlgalada Ragan lagu soo qab-qabtay ay si gaar ah uga dhaceen Xaafadaha oo Maalmihii lasoo dhaafay Dhac iyo Dhaawacyo loogu geysanayay Dad badan.

Waxa uu sheegay Taliyaha in Maxkamada la horgeyn doono Ragan Burcada ah, si Talaabo Sharciga waafaqsan looga qaado. Waxa kale uu Taliyaha uga digay Dhalinyarada ku howlan Falalka Amaan-darro, gaar ahaan dhaca iyo dhibaateynta Shacabka.

Xigasho: Wardoon News

Leave a Reply