Howlgalo Ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Ay Ka Sameeyeen Gobolka Shabeellaha Hoose

 

06-11-2021

 

AWDHEEGLE – Waxaa lasoo warinayaa in Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB aya Howlgalo Qorsheysan ka sameeyeen Deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warka wuxuu ku daray in Ujeedka Howlgalada ay ahaayeen Ciribtirka Haraadiga Maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhumaaleysanaye Deegaano katirsan Gobolka Shabeellaha, kuwaas oo Dhibaatooyin kala duwan u geysanaye Dadka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxey Howlgalada si gaar ah kaga fuliyeen Deegaanada Tawakal iyo Daaruslaam oo dhammaatood hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelahha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay Howlgalada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Howlgalada lagu bur-buriyay Gooba Saldhigyo u ahaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaa oo Dadka ay kaga qaadi jireen Lacago Baad ah.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kordhiyay Howlgalada lagu baacsanayo Nabad-diidka Al-Shabaab, si Dadka Degaanka ay ugu dul qadaan Dhibaatada ay ku hayaan.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply