Maxey Tahay Ujeedada Ka Dambeyso Cagajugleynta Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Ee Ku Aaddan Howlwadeenada Sare Ee AMISOM?

 

05-11-2021

 

MUQDISHO – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa inuu sheegay in Dowladda Xilgaarsiinta ee Soomaaliya ay la xisaabtami doonto Saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwooda Hoggaanka haya.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in Tallaabadii Koowaad ee lagula xisaabtamayo Saraakiisha AMISOM kuwooda Hoggaanka haya in laga qaaday Kuxigeenka Ergeygii Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo, kadib markii Maalintii Shalay aheyd loo qabtay in Todobo Maalmood uu uga baxo Soomaaliya.

“Soomaaliya ma aqbaleyso Ciddii ka baxda Heshiiska lagu wada joogo. Ma oggolaanayso in la marin habaabiyo Heshiiska ay ku joogto AMISOM,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.


Mohammad Ismail, REUTERS file picture | The UN’s envoy to Somalia, Nicholas Haysom, was asked to leave the country after raising concerns surrounding Robow’s detention

2dii Bishii Janaayo ee Sanadkii 2019kii ay aheyd markii Ergeygii Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramida Midowday ee Soomaaliya, Nicholas Haysom lagu amarayay inuu Soomaaliya ka baxo kadib markii ay Dowladdii Soomaaliya ee Waagaasi ay ku eedeysay inuu farageliyay Siyaasadda Dalka Soomaaliya.

Bartamihii Bishii Abriilo ee Sanadkan 2021da waxaa uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu sheegay in Soomaaliya ay ka socon la’day Beesha Caalamka isla markaana ay Waajib tahay in laga tashto.

Marki uu Wasiir Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud uu sidaasi u eedeynayay Beesha Caalamka, waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusmaan ee Muqdisho ka socday Wadahalo Qarsoodi ahaa ee dhex-marayay Wakiilo ka kala socday Soomaaliya iyo Ruusiya.Wakiilada Labada Dal ka socday ee Wada-hadalada lahaa, ayaa waxey ahaayeen Wasiiro Dowlihii Arrimaha Dibadda Soomaaliya Balal Maxamed Cismaan iyo Danjirihii Ruusiya ee Soomaaliya Mikhail A. Golovanov isla markaana Fadhigiisa ahaa Jabuuti, una soo dhaqaajiyay Muqdisho, Soomaaliya.

15kii Abril, Sanadkan 2021ka waxaa ay Maxkamada Gobolka Banaadir ay baafisay 6 Qofood oo ay Maxkamadda ku sheegtay in 6-daasi Qofood lagu tuhunsan yahay iney Sir bixiyeen isla markaana u basaaseen Shisheeye. 6da ay Maxkamadda baafisay waa kuwa soo socdo:
1. Matt Brydan, 2. Rashiid Cabdi, 3. Robison Colin, 4. Kheyre Cabdiraxmaan Raage, 5. Emmanuel Deisser, iyo 6. David Hopkines.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka ugu Xiisaha badan Aduunka.

 

Leave a Reply