Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka Magaalada Baraawe, Muxuuse Yahay Qorshaha Laftagareen?

 

04-11-2021

 

Magaalada Baraawe waxaa ka taagan Qilaaf Salka ku haya Awood Qeybsiga Maamulka Magaalada, waxaana Shalay ka dhacay Dagaal u dhexeeyey Ciidamo Militeri ah iyo Dadka Deegaanka oo isku dhinac ah iyo Ciidan gaar ah oo dhawaan uu Baraawe geeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Warbaahinta Badweyn Online waxay u Kuur gashay waxa la isku hayo iyo Sababta keentay Dagaalka, waxayna ogaatay in Qilaafkaan gaaray Gacan ka hadalka uu Salka ku hayo Awood Qeybsiga Golaha Deegaanka oo haatan la doonayo in Magaalada Baraawe loo dhiso.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa la sheegay inuu diidan yahay in Beesha Hawiye ay Xubno ku yeelato Golaha Deegaanka ee loo dhisayo Magaalada Baraawe, isagoo taas ka duulaya ayuu Maalmo kahor Ciidamo si gaar ah uga Amar qaata ka soo daabulay Magaalada Baydhaba, waxuuna ka dejiyey Magaalada Baraawe, kuwaas oo Shalay Dagaal ku galay Magaalada Baraawe.

Mid kamid ah Waxgaradka Beelaha Hawiye ee deggan Magaalada Baraawe ayaa la hadlay Warbaahinta Badweyn Online, waxaana weydiinay sababta ka dambeysa Gacan ka hadalka ka dhashay Dhismaha Golaha Deegaanka, waxuuna aad u eedeeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, isagoo sheegay in Beesha Hawiye uu duudsiinayo Xaqa ay ku leedahay Maamulka uu hoggaamiyo ee DGKGS.

“Dagaalka Baraawe waxa uu Salka ku hayaa Dulmi uu Cabdicasiis Laftagareen ku hayo Beelaha Hawiye oo Bulshada Baraawe ku nool ka ah 90%, horay Laftagareen waxuu Hawiye ugu diiday Saamigii Madaxweyne Kuxigeenka oo ay Beeshu ku heshay Awood Qeybsiga iyo Deganaashaha Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaan nahay Qabaa’ilka ugu Canshuur Bixinta Badan Koonfur Galbeed, waxay socotaba, waxay soo gaartay in Maanta Golihii Deegaanka ee la yiri Baraawe haloo sameeyo, uu Cabdicasiis Laftagareen uu Hawiye u diido,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Magaalada Baraawe.

Dadka Deegaanka oo siyaabo kala duwan aan ula xariirnay waxay noo xaqiijiyeen inay jiraan Ciidamo gaaraya 100 Askari oo Maalmo kahor laga dejiyey Magaalada Baraawe, kuwaas oo la sheegay inay sugi doonaan Ammaanka Goobta ay ka dhaceyso Doorashada Golaha Deegaanka.

Ciidamadaas oo sida naloo sheegay toos u hoos taga Madaxtooyada Koonfur Galbeed waxay Maalmo kahor is-rasaaseeyeen Maleeshiyaad Dadka Deegaanka ah oo Gacan ka helaya Ciidan katirsan Militeriga Soomaaliya oo Fariisimo ku leh Magaalada Baraawe.

Dadka nala hadlay waxay noo xaqiijiyeen in is-rasaaseyntaas uu ku dhintay Hal Qof oo Dadka Deegaanka ah, kaas oo ka soo jeeda Beesha Hawiye ee ka cabaneysa Awood Qeybsiga laga hor istaagay ee Golaha Deegaanka ee Magaalada Baraawe.

Nabadoonka ku sugan Magaalada Baraawe ee la hadlay Warbaahinta Badweyn Online oo faah-faahiyey Sababta ka dambeysay Dagaalkii ka dhacay Gudaha Magaalada Baraawe ayaa yiri, “Markii Ciidamada Laftagareen ay naga dileen Qof kamid ahaa Dadka Deegaanka ayuu Madaxweynuhu soo diray Ergo, si looga xaaltamo Dhibkii dhacay, balse Gogoshii aan ka sugeynay waxay u bedeleen Weerar ay nagu soo qaadeen Ciidamadii uu Magaalada keenay Laftagareen, waan iska dhicinay, waxaana halkaas ku dhintay 3 kamid ah Askartii uu Baydhaba ka keensaday Laftaagreen.”

Ugu dambeyntii Qofkaan noo waramay oo Magaciisa aan u qarinay Sababo Ammaan, islamarkaana kamid ah Waxgaradka Magaalada Baraawe ayaa sheegay in Dagaalkaas kadib, ay hadda inta badan Magaalada Gacanta ku hayaan Ciidanka is uruursaday ee ka soo jeeda Beelaha Hawiye ee dega Magaalada Baraawe.

Sidoo kale waxuu sheegay in Ciidamadii uu Laftagareen Magaalada keenay ee Dagaalka la galay Dadka Deegaanka, gaar ahaa Qabaa’ilka Hawiyaha ay ku carareen Xerada Ciidamada AMISOM oo magan geliyo ay u raadsadeen, sida uu hadalka u dhigay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isi-soo tareysay Cabashada Waxgaradka Beelaha Hawiye ee wax ka dega Magaalo Xeebeedka Baraawe, kuwaas oo sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu si cad ugu sheegay in Golaha Deegaanka ee loo dhisayo Magaalada Baraawe Aysan Hal Xubin ku yeelan doonin Beesha Hawiye, waxayna Wacad ku mareen in taas aysan aqabali doonin.

Baraawe oo la qorsheynayey in loo dhiso Gole Deegaan oo soo doorta Maamulka Magaaladaas, ayaa Haatan Marti gelineysa Dagaallo u abaabulan Qaab abiil, sidoo kale waxaa la qorsheynayey in Magaalada Baraawe ay ka bilaabato Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka imaanaya, sida ay horay u sheegeen Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Rooble iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Laftagareen oo Booqasho ku tegay.

 

Isha Warkan: Bad Weyn Times

Leave a Reply