Maxey Yihiin Ujeedooyinka Dalka Loo Keenay Diyaaradaha Ay NISA Ku Qabatay Garoonka Dayuuradaha Caalamiga Ee Aadan Cabdulle Cusmaan?

 

04-11-2021

 

MUQDISHO – Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Garaoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle Cusamaan ee Magaalada Muqdisho ku qabtay Diyaarado nooca loo yaqaano Drones-ka oo Tiro ahaan gaarayay Lix Diyaaradood oo ku jiray Sanduuqyo xiran.

Diyaaradahan oo Garoonka looga soo dejiyay Xamuul ahaan ayaa waxaa sheegtay inuu leeyahay, uu isaga Dalka keensaday Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo katirsanaa Xildhibannada Golaha Baarlamaanka ee uu Waqtigooda dhammaaday.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Diyaaradaha Drones-ka ee lagu qabtay Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) uu isaga leeyahay, isla markaana Hay’adda NISA ku eedeeyay inay si Sharci Darro ula wareegtay.

Waxaa uu tilmaamay Xildhibaanka in Diyaaradaha uu ka keenay Dalka Turkiya, ayna leedahay Shirkadda Hufan oo ka shaqeysa La-dagaalanka Cayayaanka Beeraha, looguna tala-galay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa iyo Waraabinta Beeraha.

“Dayuuradaha iswada “Drones” oo aan ka keenay wadanka Turkiga, Diyaaradahaas oo ay leedahay shirkadda Hufan oo ka shaqeysa ladagaalanka cayayaanka Beeraha, waraabka beeraha iyo dhammaan howlaha la xiriira beeraha ayay hay’adda NISA si sharci darro ah ula wareegtay. Diyaaradahan ayay shirkadda Hufan ugu talo-gashay la dagaalanka iyo buufinta Anyaxa, Waraabinta Beeraha iyo in lagu ogaado wabiyada meelaha ay ka jilcanyihiin ee uu ka fataho” ayuu yiri Xildhibaan Sakariye Maxamuud.

Ugu dambeyn Xildhibaan Sakariye ayaa ka Codsaday Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA inay si deg deg ah u soo celiso Hantida ay leedahay Shirkadda Hufan ee Diyaaradaha Drones-ka ee loogu talogalay in loogu adeego Beeraleyda Soomaaliya.

Isha Warkan: Radio Dalsan

Leave a Reply