Hawlgal Lagu Baarayo Guri Ka Guri, Ayaa Magaalada Addis Ababa Laga Bilaabayaa

 

03/11/2021

 

ADDIS ABABA – Hoggaanka Nabadgelyada ee Maamulka Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in Magaalada laga bilaabi doono Hawlgal guri guri ah, oo markaasi Amniga lagu xaqiijinayo.

Maamulka ayaa Dadka Deegaanka faray in Cid kasta oo Hub haysata ay tahay in Muddo Laba Cisho ah ku keento, si loogu sharciyeeyo.

Maamulka ayaa sidoo kale Guddiyada Xaafadaha faray in ay Dadka isku xiraan, isla-markaana ay la socdaan Dhaqdhaqaaqa Dadka imaanaya Xaafadahooda, door muuqdana ay ka qaataan Difaaca Magaalada.

Mar sii horeysay Warsaxaafadeed ay soo saareen Laamaha Amniga Qaranka ayaa Dadka Reer Addis Ababa lagu wargeliyay in ay Hay’adaha Ammaanka la soo wadaagaan Aqoonsiyada Dadka ay guryaha ka kireynayaan.

Tani ayaa imaanaysa, Xilli Xoogaga TPLF ay Maalmihii ugu dambeysay ay Magaalooyin hor leh ay ka qabsanayeen Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Xalay Xaalad Deg-deg ah ku soo rogtay Dalka oo dhan, iyadoona u muuqato mid garowsatay inta uu le’egyahay Hujuumka Xoogaga TPLF kaga imaanaya.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply