Dowlad Goboleedka Jubaland Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa Xirtay Wakiilka Doorashada Ee Cabdi Cali Raage

 

03-11-2021

 

KISMAAYO – Ciidamada Ammaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Xalay waxey Gudaha Magaalada Kismaayo ay ku xireen Wakiilka Doorashada ee Siyaasiga Cabdi Cali Raage oo Haatan ah La-taliyaha Dhanka Arrimaha Doorashooyinka ee Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Cabdi Cali Raage oo War Qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in Xalay Wakiilkiisii Doorashada uu ku hoyday absi, isla markaana Saakay la geeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo, si loo soo dhoofiyo.

Halkan hoose waxaa laga aqrisan karaa Qoraalka Cabdi Cali Raage.

War degdega oo iga soo gaarey Kismayo ayaa la iigu xaqiijiyey in wakiilkaygii kismaayo ee ololaha doorashada hada la keenay airport-ka si loogu masaafuriyo Magaalada muqdisho
kadib markii uu xalay ku baryey xabsiga.

Waa kaaf iyo kala dheeri iyo nasiib daro in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cida uu taageersanyahay siyaasad’ahaan.

Tani waa markhati kac muujinaysa in aysan marnaba suuro gal noqon doonin in Kismaayo ka dhacdo doorasho cadaalad ah oo loo simanyahay.

Waxaan marka labaad ku baaqayaa in muwaadinkan gurigiisa iyo caruurtiisa aan lakala go’doomin hadii uu danbi leeyahayna haayadaha cadaalada la hor geeyo hadii kalana xoriyadiisa loo celiyo.

In qofka gurigiisa laga tarxiilo waa dhaqan iyo ficil haraadi ah oo aan loo baahnayan in ay cidina u bareerto oo gaf intaas la eg u gaysato xaquuqda qof muwaadin ah.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply