Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa Xabad Joojin Ka Dhaqan-gelisay Deegaanka Dhagtuur Oo Lagu Dagaalamay

 

03-11-2021

 

DHAGTUUR – Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in Xabad joojin ka dhaqan-gelisay Deegaanka Dhagtuur ee Koofurta Gobolka Mudug, kadib markii Shalay siyaabo kala duwan loogu dilay 3 Qof oo Xoolo Dhaqato ah.

Mas’uuliyiin isugu jira Maamulka Gobolka Mudug, Xildhibaanno katirsan Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, Saraakiisha Laamaha Amniga Dowlad Goboleedka Gal-Mudug oo ka kooban Daraawiishta iyo Booliska, Odoyaasha Dhaqanka iyo Ganacsato Labada Dhinac ee Dilalku dhexmartay ayaa ku baxay Daminta Xiisaddaan Dagaal, kuwaas oo ku guulaystay Baajinta inaan dhib kale dhicin.

Dhinacyada oo Maanta ku kulmay Duleedka Degaanka Dhagtuur ayaa wada gaaray Heshiis ah in Xiisadda la damiyo, isla markaana Maalinta Berri ah ayay u balameen Shir Weyne ka dhici doona Degaanka ay Shaqaaqadu ka dhacday, kaas oo lagu dhamaynayo Dhibaatadii dhacday.

Xigasho: Radio Muqdisho

Leave a Reply