Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Soomaaliya Ayaa Danjiraha Turkiya Kala Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal

 

 

02-11-2021

 

MUQDISHO – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa wuxuu Maalintii Shalay ee Isniinta aheyd uu Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho uu ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Turkiya ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Mehmet Yilmaz.

Labaduba waxeyi si qotodheer uga wadahadleen Xiriirka Labo Geesoodka ah iyo Iskaashiga u dhexeeya Labada Dal iyo Labada Dad.

Kulankooda ayaa Diiradda lagu saarray sidii la isaga kaashan lahaa kor u qaadidda Heerka Iskaashiga Laba Dhinaclaha ee Dhinacyada Dhaqaalaha, Is-dhaafsiga Ganacsiga, Dhaqanka iyo Dalxiiska, iyo sidii loo dhiirigelin lahaa Maalgashiga iyo siyaabaha looga gudbi karo dhammaan Caqabadaha soo wajaha Arrinkan, iyo sidoo kale Qaban-qaabinta Booqashooyin Ganacsatada Labada Dhinac ay is-weydaarsadaan.

Soomaaliya waxay Turkiya la leedahay Xiriir adag oo soo jireen ah oo ku dhisan Tiirar taariikhi ah oo faca weyn.

Xigasho: Wakaalada Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee SONNA.

Leave a Reply