Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Agaasimahii Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyada Soomaaliya

 

01-11-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Golaha Wasiiradda Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa Maalintii Shalay aheyd Xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Hay’ada Socdaanka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi.

Waxaa kale oo ay Golaha Wasiiradda Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ay isku raaceen in Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya uu noqdo Cabdiqaadir Cilmi Cali oo ku magac-dheer Cabdul.

Sidii la doonaba, Xil ka qaadis iyo Xil u magacaabis haloo sameeyee, waxaa Magaalada Muqdisho lagu Hadal hayaa in Agaasimahii Hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya, Maxamed Aadan Koofi, in loo magacaabi doono Agaasimaha Cusub ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA: The National Intelligence and Security Agency).

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply