Kalluumeysiga Sharci Darada Ah, Baa Ku Soo Badanaya Badda Jamhhuriyadda Soomaaliya

 

29-10-2021

 

HOBYO – Qaar kamid ah Kaluumeysatada Soomaaliya ee ka jilaabta Xeebaha Bariga ee Gobolka Mudug ayaa Cabasho ka muujiyay Koorka Maraakiib Shisheeye oo si Sharci Darro ah uga kalluumeysta Biyaha Badda ee Dalka.

Aamiin saciid Aadan oo kamid ah Kalumeystada ku dhaqan Xeebaha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in Maalmihii u danbeeyay ay soo baxeen Qeylo-dhaan ku aadan Maraakiib Shisheeye oo sida Sharci Darrada ah uga kaluumeysanaya Xeebaha Bariga Gobalka Mudug.

Kalluumeysatada Gobolka Mudug ayaa sheegay in Kalluumeysiga Sharci Darrada ah ee ka jira Badda Soomaaliya ay Saameeyn ku yeesheen Nolasha Kumanaan Qoys oo ku tiirsanaa Waxsoo-saarka Badda.

Qaar kamid ah Kalluumeysatada Soomaalida ayaa Fikrad ahaan qaba in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban Kalluumeysiga Sharci Darrada ah ee Maraakibta Shisheeye ay dhallin karaan, Shaqo La’aan ku timaada Kalluumeysatada, Hoos-udhac Dhinaca la xiriira Kheyraadka Badda iyo Bulshada Kalluumeysatada ah, iyo Ka-barakaca Deegaanada Xeebaha ah ee Dalka.

Xigasho: Radio Shabelle

Leave a Reply