Faah-faahino Uu Hogaanka Ahlu Sunna Waljamaaca, Uu Ka Bixiyay Sababtii Ay Uga Baxeen Degmada Guriceel

 

28-10-2021

 

Mudane Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa wuxuu marka hore u tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Dagaalkii ka dhacay Degmada Guriceel ee Qasaaraha Dhimasho, Dhaawaca, iyo Burburka Hantiyeedba geystay.

Qoraal dheer oo uu soo saaray Mudan Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in uu aad uga xun yahay in Magaalada Guriceel lagu dunshol Hub iyo Ciidan Muqdisho laga keenay, iyadoo lagu sii dunshay Goobahii Caafimaadka, Ganacsiga iyo Meelahii Bulshada muhiimka u ahaa, ayna tahay nasiibdarro Soomaaliya usoo hoyatay in Saanadii Qaranka lagu gubay Guryahii Ummada , lagu qaxiyay Shacbigii Magaalada Guriceel kusoo dhaweeyay si Nabad ah.

”Waxaan rabaa in aan u sheego Ummadda Soomaaliya in aan markii horeba soo dhawaynay Baaqyadii Nabadda iyo Wada-hadalka iyo in aysan dhicin Dagaal aan kan Shabaab lagula jira ahayn, waxaana u caddaynayaa Ummadda Soomaaliya in aan soo dhawaynay Mar Labaad Baaqyada ka imaanayay Culimada, Cuqaasha, Ganacsatada, Siyaasiyiinta, Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka; annaga oo tixgelineyno Shacbigeena,” ayuu yiri Sheekh Shaakir Cali Xasan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guriceel ay uga baxeen Codsi uga yimid Culimada, Ganacsatada, Bulshada Rayidka, Senataro, iyo Siyaasiyiin Reer Gal-Mudug ah , ayna ka codsadeen inay wareejiyaan Labadii Gaari ee lagu qabsaday Dagaalkii ka dhacay Degaanka Bohol ee Gobolka Galgaduud, isla markaana Gaadiidkaas ay wareejiyeen.

Qoraalka Mudane Shaakir oo aad u dheeraa, ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in ay ku balameen inay degaan Deegaanka Bohol oo markii horeba ahaa Deegaankii lagu weeraray; sidoo kalena wax walba oo jira in lagu dhammeeyo Wadahadal iyo Xal Nabad ah, ayna aqbaleen Dhamaan Codsiyadii uga imaanayay Beesha Caalamka iyo Dhamaan Bulshada Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Shacabkii ku Garab Taagnaa, mar walbana ay u taagan yihiin Nabadda iyo in aan Awoodda Dowladeed si qaldan loo isticmaalin, wixii qaldama lagu saxo Wadahadal, Dagaal aan kan Shabaab aheena dhacin, Dadkeenana aysan ku seexan Walwal ay ka qabaan Argagixisada .

Warkaan kasoo baxay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha degmada Guriceel iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Degmadaas ay sheegeen in aan la cafin doonin Dadkii taageeray Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply