Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca Ayaa Iskaga Baxay Degmada Guriceel Ee Gobolka Galgaduud

 

27-0-10-2021

 

Ciidamadii Ahlu Sunna Waljameeca oo Afartii Maalmood ee lasoo dhaafay Degmada Guriceel kula dhex dagaalamaayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowladka Gal-Mudug ayaa Aroornimadii hore ee Saakay iskaga baxay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Kabixitaanka Ciidanka Ahlu Sunna ee Degmada Guriceel ayaa yimid kadib markii Ganacsato iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda Deegaanka ay Wadahadalo la yeesheen Labada Dhinac, taasoo ugu dambeynti surta galisay in Ciidankii Ahlu Sunna ay iskaga baxaan Goobahii ay kaga sugnayeen Degmada Guriceel, islamarkaana ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay si buuxda ula wareegaan Degmada Guriceel.

Ciidamadii Ahlu Sunna ee iskaga baxay Degmada Guriceel ayaa la sheegay iney gaareen Deegaanka lagu magacaabo Godwiil oo ku yaala Waqooyiga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in Ciidanka Ahlu Sunna ay uga tageen Fariisinkoodii Dagaalka ee Dhismaha Jaamacadda Laba Gaari oo Gaashaaman oo Ahlu Sunna ay horay ugu qabsatay Dagaalkii ka dhacay Deegaanka Bohol.

Gabagabadii waxaa Saakay Fariisimhii Dagaalka ee Ahlu Sunna ee Degmada Guriceel lagu arkayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, kadib Dagaal Afar Maalmood oo xiriir ah oo Xaafadaha Degmadaasi ku dhexmarayay Ahlu Sunna Waljameeca iyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug oo isku Dhinac ah.

Xigasho: Hiran Online

Leave a Reply