Doorashooyin Maanta Ka Bilowday Degaanada Dowlad Goboleedka Puntland Ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya

 

25-10-2021

 

GAROOWE – Waxaa lasoo sheegayaa in Saakay Aroornimadii Hore ay Doorasho Qof iyo Cod ah uga bilaabatay cod-bixinta doorashada qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka Degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee Dowlad Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya, waxaana la buux dhaafiyay Goobaha Doorashada ay ka dhaceyso.

Dadka ayaa Safaf Dhaadheer u galay sidii ay Codkooda u dhiiban lahaayeen isla markaana u dooran lahaayeen Dadkii metali lahaa.
.
Goobaha Cod-bixintu waxaa lagu wadaa in ay soo xirmaan Lixda Maqribnimo ee Maanta, sida uu sheegay Guddiga Kumeela Meel Gaarka ah ee Doorashooyinka Degaanada Dowlad Goboleedka Puntland ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya

Xigasho: Radio Shabelle

 

Leave a Reply