Dibadbax Looga Soo Horjeedo Dagaalka Degmada Guriceel Ayaa Muqdisho Ka Dhacay

 

25-10-2021

 

MUQDISHO – Banaanbax looga soo horjeedo Dagaalka Qasaaraha badan geystay ee u dhexeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya oo isku Dhinac, iyo Xoogaga Ahlu Sunna ayaa wuxuu Maanta ka dhacay Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka banaanxayo ayaa waxey u badnaayeen Haween, waxeyna isugu soo baxeen Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo Wadada ku gubay Taayaro iyo Qashin, taasoo keentay in Isku-socorka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan uu joogsado.

Bannaabaxayaash ayaa waxaa ay ku dhawaaqayeen Erayo ay uga soo horjeedaan Dagaalka Degmada Gueiceel, waxaana kamid ahaa, Qoor Qoor iyo Farmaajo doonimeyno, Dhiig Sokeeye doonimeyno iyo Erayo kale.

Qaar kamid ah bannaan baxayaasha oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxey ku eedeeyeen Madaxweynaha Muddo XilIeedkiisa uu Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya Axmed Qoor-Qoor inay Dagaalka hurinayaan.

Waxaa ay si cad u sheegeen in marnaba aysan ogolaaneyn in lagu sii dagaalamo Degmada Guriceel, waxaana qaar kood sheegeen inay Garab taagan yihiin Hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaaca ee Dagaalka kula jira Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya oo isku Dhinac ah.

Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ayaa waxaa socdo Dagaalka Culus ee u dhaxeeya Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaaliya oo isku Dhinac ah, iyo Xoogaga Ahlu Sunna; wuxuuna Dagaalka geystay Qasaarooyin aad u badan.

Xigasho: Radio Risaala

 

Leave a Reply