Taliyihii Ciidanka Haramcad Ee Qeybta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ayaa Ku Dhintay Dagaalka Guriceel

 

24-10-2021

 

Taliyehii Ciidanka Haramcad ee Qaybta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug, Abshir Muumin Faarax (Fanax) ayaa Fiidnimadii Caawa u geeriyooday Dhaawac kasoo gaaray Dagaal Galabta ka dhacay Magaalada Guriceel.

Taliyaha ayaa ku dhaawacmay Dagaal ka socday Aagga Xarunta Jaamacadda, Xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ay isku dayeyeen inay hareereeyaan Xoogaga Ahlu Sunna.

Taliyaha ayaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee hoggaaminaysa Hawlgalka Ujeedkiisu yahay in Ahlu Sunna laga saaro Magaalada Guriceel.

Abshir Fanax waxa uu kamid ahaa Ciidamadii Dowladda ee Sanadkii 2018 lagu xareeyay Saldhigga Turkiya ee Magaalada Muqdisho (Turk-Som), markaas oo la bilaabay Aasaaska Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Xigasho: Universal TV Somali

Leave a Reply