Maamulka Degmada Guriceel Ee DG Gal-Mudug Ayaa Sheegay Inay La Wareegeen Degmada Guriceel

 

24-10-2021

 

Maamulka Degmada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lasii warinayaa inuu si buuxda ula wareegay Degmada Guriceel, kadib Dagaalkii Xooganaa ee Shlayay halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Ururka Ahlu Sunna iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Muuqaal lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Guriceel Cabdishakuur Axmed Faarax uu ku sheegay in ay Degmada ka saareen Dhamaan Ciiddamadii Ahlu Sunna ee Shalay ka dagaalamayay Qeybo kamid ah Degmada.

“Ciidamada Dowladda waxay gacanta ku hayaan Dhamaan Degmada Guriceel, waxaa u suurta gashay inay Gacanta ku soo dhigaan Maxaabiis fara badan oo ah Dadkii ka dagaalamayay Qeyba kamid ah Degmada Guriceel,” ayuu yiri Cabdishakuur Axmed Faarax oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Degmada Guriceel.

Guddoomiye Kuxigeenka ayaa Dadka ku sugan Gudaha Magaalada ugu baaqay in ay ka baxaan Goobaha uu Dagaalka ka socda, iyadoo la ogyahay in Guryo badan ay ku dhaceen Gantaalo.

“Waxaan baaq u diraya Dadka Reer Guriceel ee ku sugan Magaalada Gudaheeda, waxaa Magaalada ka socda Howlgal Deg-deg ah, kaasoo ay Ciidamada Dowladda ku raad joogaan Ahlu Sunna, waxaan Dadka u sheegaynaa inay Guryahooda ku nagaadan,” ayuu yiri Cabdishakuur Axmed Faarax.

Si kaste ha ahaatee, Wararka Degmada Guriceel ka imaanaya waxay sheegayaan in Qeybo kamid ah laga maqlayo Rasaas Goos-goos ah, iyadoone Ciiddamada Ahl Sunna ay ku sugan yihiin Waqooyi Magaalada Guriceel.

Xigasho: Hiran News

Leave a Reply