Dagaal Markale Ka Bilowday Degmada Guriceel

 

24-10-2021

 

Waxaa lagu soo waramayaa in Dagaal aad u Culus uu dib uga bilowday Degmada Guriceel, wuxuuna Dagaalka u dhexeeyaa Ciidanka Ahlu Sunna iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya & Ciidanka Dowlad Goboleedka Gal-Mudug oo isku dhinac ah, iyadoone la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan isla markaana aan waxba leysu reebaneenin.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Dagaalka uu sigaar ah uga socdo Aaga Jaamacadda, halkaasoo ay aad ugu Xoogan yhiin Xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca.

Wararka la helayo ayaa waxey sheegayaan in Dagaalka dib uga bilowday Degmada Guriceel, uu geystay Qasaarooyin isugu jiro Dhaawac iyo Dhimasho oo soo gaaray Labada Dhinac, waxaana Dadka Dagaalka ku dhintay kamid ah Taliyehii Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Ciidanka Nabadsugida, Cabdiqani Maxamed Diiriye.

Xaalada Degmada Guriceel ayaa Maalintii Labaad Kacsan, waxaana Dowladda Soomaaliya ay Degmada Guriceel ay kusii dabuleysaa Ciidamo kala duwan, si meesha ay uga saarto Xoogaga Ahlu Sunna.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply