WK Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Ayaa Xil Cusub U Magacaabay Jen. Bashiir Maxamed Jaamac

 

23-10-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Wasiir Koowaadka Dolwadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble ayaa lagu soo waramayaa in Xil Wasiirnimo uu u magacaay Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) kadib markii uu Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ee Rooble uu la heshiiyay Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Maalintii Murugada Soomaaliya oo ku beegneed 21da Oktoobar ee Shalay-Maantaan ama Dorraad ee Sanadk 2021da.

Warka wuxuu ku darayaa in Jeneraal Bashiir Goobe lagu magacaabay Wareegto uu soo saaray Wasiir Koowaadka Dolwadda Xilgaarsiinta Soomaaliya ee Rooble isla markaana uu u magacaabay Wasiiro Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dibudhiska Dalka.

Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa wuxuu yahay Jeneraalka haaysto Darajada ugu sareyso Ciidanka Soomaaliya, iyadoo sidaa ah, ayuu hadane yahay Wasiir.

 

Xilligii ay Demoqaraadiyadda ka jirtay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo kasoo bilaabaneyso 1dii Luuliyo 1960kii ilaa iyo 20kii Oktoobar 1969kii, ayaa wuxuu Dastuurka qorayay in Qof Ciidan katirsan uusan Murashax Xildhibaan noqon karin Muddada uu katirsan Ciidanka. Hadii uu Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya uu isu sharaxayo Qof katirsan Ciidanka, waxaa Qasab ku aheyd in marka hore uu si rasmi ahaan ah uga fariisto Ciidanka, kadibna uu isa soo sharaxo.

Maxamed Raajis iyo Isaaq Iidow, waxey ka kala tirsanaayeen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidanka Boliiska Soomaaliya, waxeyna kamid noqdeen Xildhibaanadii lasoo doortay 26dii Maarso, 1969kii maadaama ay iska casileen Ciidankii; iyagoo u hogaansamayo Dastuurkii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

52 Sano kadib, waxaa lagu dhaqmayaa Siyaasaddii Taliskii Kelitaliska ahaa ee uu hogaamin jiray Kelitaliye Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxaana ku dhaqmayo Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Farmaajo, iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya ee Rooble oo Heshiis la saxiixday Maalintii Murugada Soomaaliya oo ku beegneed 21da Oktoobar, Sanadkan 2021da.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Somaliland, Jamhuuriyadda Jabuuti, Degaanka Soomaali Galbeed, iyo Degaanka NFD (Northern Frontier Districts).

Leave a Reply