Guddiga Doorashada Soomaaliya Ayaa Soo Bandhigay Shaxdii Ay Udejiyeen Doorashada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya

 

23-10-2021

 

MUQDISHO (WBW: The GBM) – Guddigii Hirgelinta Doorashada Heerka Federaal ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay soo bandhigeen Shaxdii ay udejiyeen Doorashada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Shaxda ay Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ay soo bandhigeen 22da Oktoobar, ayaa waxey kusoo aaday Maalin uun kadib markii ay heshiiyeen Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisa Dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiir Koowaadka Dowladda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseyn Rooble Taariikhdii Murugada ka aheyd Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Taariikhda Murugada ka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxey tahay 21da Oktoobar, waxeyna kasoo bilaabatay 21dii Oktoobar, Sanadkii 1969kii markii uu Taliyehii Xooga Dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre uu boobayTalada Dalka Soomaaliya isla markaana uu noqday Kelitaliyehii Soomaaliya Muddada Dhan 21ka Sano iyo googo’a.

Ugu dambeynti, halkan hoose waxaa yaalo Shaxdii ay degeen Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya.

 

Leave a Reply