Dagaalkii Degmada Guriceel Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

 

23-10-2021

 

GURICEEL – Talyehii Ciidanka Danab ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdiladiif Feyle ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday Dagaalkii Maanta ee Degmada Guriceel ee ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo CiidamadaUrurka Ahlu Sunna.

Sidoo kale Dagaalka waxaa ku geeriyooday Askar iyo Saraakiil badan oo ka kala tirsan Dhinacyada Maanta ku dagaalamay Guriceel.

Dhinaca kale, Ciidamada Ahlu Sunna ayaa la soo warinayaa in ay ku soo rogaal celiyeen Guriceel, iyadoo Galabta ay la wareegeen Saldhigga iyo Xarruunta Degmada Guriceel, iyada oo uuna halkaasi ka dhacay Dagaal Xooggan.

Dagaalkii Galabta ayaa yimid markii Ahlu Sunna ay Gurmad ka heshay Ciidamo uu hoggaaminayo Saadaq Sheekh Yuusuf oo kamid ah Madaxda Ahlu Sunna ay soo gaareen Guriceel, iyagoo Gurmad u ah Xoogagii Ahlu Sunna ee la dagaalamaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Dowlad Goboleedka Gal-Mudug ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Qasaare isugu jiro Dhimasho iyo Dhaawac badan ayaa ka dhashay Dagaalka, inkastoo aan la heyn Tirada Rasmiga ah ee soo gaaray Labada Dhinac, iyo Dadkii Rayidka ahaa.

Xigasho: Radio Kulmiye

Leave a Reply