Weerar Lagu Qaaday Saldhig Kuyaal Gobolka Shabeellaha Hoose

 

22-10-2021

 

AWDHEEGLE – Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in Saakay Waaberigii hore ay Weerar ku qaadeen Sadlhig Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaanka Bariire oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen Jugta Madaafiicda, oo qaarkood ku dhacay Xerada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Degaanka Bariire iyo Duleedka Bariire, balse aysan cadeyn karin Qasaarahii ka dhashay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladda ay Dhankooda, Weerar Madaafiic ah ay Al-Shabaab uga jawaabeen, isla markaana Dhowr Madfac ay ku tuureen Degaannada ku dhow-dhow Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degaanka Bariire ayaa waxaa ay sheegayaan in Xaaladda ay tahay mid degan marka laga soo tago Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya isla markaana lagu xaqiijinayo Amniga.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply