Wasiirka Caafimaadka Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaraddaasi Oo Soo Gaadhay Gobolka Saaxil

 

20/10/2021

 

BERBERA (SOLNA) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi oo Maalmihii ugu dambeeyay Socdaal ku marayay qaar kamid ah Gobollada Dalka, ayaa Maanta soo gaadhay Gobolka Saaxil, iyagoo Kulan is xog waraysi ah la qaatay Mas’uuliyiinta Gobolka iyo ka Degmada Berbera.

Waxaana kusoo dhaweeyay Gobolka, Mas’uuliyiinta Gobolka iyo ka Degmada, qaar kamid ah Bahda Caaafimaadka ee Gobolka iyo Mas’uuliyinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Gobolka Saaxil.

Waxaana Wasiirka Horumarinta Caafimaadka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi ay soo kormeereen Cisbitaalka Guud ee Degmada Berbera, oo ay Warbixin ku siiyeen Mas’uuliyiinta maamusha Cisbitaalkaasi, waxaana ay sheegeen in Sagaal Ambalaas ay u shaqeeyaan isla markaana Hooyada iyo Dhallaanka la keeno Cisbitaalka oo ay bixiyaan Adeegyo Billaash ah.

Waxaana ay intaas ku dareen in taageero ay ka helaan Dawladda Hoose ee Degmada Berbera oo ay Wada-shaqayn ka leeyihiin Dhinaca Caafimaadka iyo Badqabka Guud ee Bulshada.

Badhosaabka Gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Shaqada ay hore uga qabatay Gobolka, waxaana uu sheegay in inta dhimanna ay ka wada shaqayn doonaan, isla markaana ay ku dedaalayaan sidii Baahiyaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil loo wada dabooli lahaa, oo ay Dadku u heli lahaayeen Caafimaad tayo leh.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay inay Gobolka u yimaaddeen sidii ay u indho indhayn lahaayeen Mashaariicda Horumarineed iyo kuwa Bani Aadannimo ee ka socda Gobolka, waxaana uu uga mahadceliyay Dawladda Hoose ee Degmada Berbera, Taageerada ay ka geysato Caafimaadka Gobolka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa ku ammaanay Cisbitaalka Guud ee Degmada Berbera iyo Dawladda Hoose sida hagar la’aanta ah ee ay uga shaqeeyaan Arrimaha Caafimaadka ee Gobolka, isagoo sheegay in Xaaladda Cisbitaallada ee Degmada Berberi ay fiican yihiin.

Geesta kale, Wasiirku waxa uu soo kormeeray Cisbitaallada kala duwan ee Degmada Berbera, kuwaasoo uu Warbixintooda uu ka dhegaystay Mas’uuliyiinta kala duwan ee Cisbitaalladaasi.

Leave a Reply